Shacabka Turkiga Oo Maanta U Dareeraya Doorashada Madaxweynaha Iyo Ta Baarlamaanka Iyo Cida La Saadaalinaayo
June 24, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Shacabka Turkiga ayaa maanta u dareeray cod bixinta doorashada dalkaasi ka dhaceyso ee laga soo hormariyey xilligeed, waxayna shacabka turkiga ay codbixinta ay maanta u dareerayaan ay ku dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ee dalkaasi.

Doorashadan maanta ay cod bixinteeda billaabmeyso ayaa la filayaa inuu loollan adag uu kala kulmo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, cod bixinta doorashadan si ka duwan doorashooyinkii hore isaga oo xilka madaxtinimada soo hayey mudda 15 ka sano ah.