Ciidamada Dab-demiska Oo Neefkii Labaad Ee Geel Ah Ka Soo Badbaadiyay Bullaacad
June 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Abaaro 3:00 galabnimo Gurmad u Fidiyay Neef Geela oo Ku Dhacay Bullaacad Ku Taalla Xaafada new Hargeysa ee Magaalada Hargeysa.hawlgalkan oo noqonaya neefkii labaad oo muddo laba cisho gudahooda ciidanku ka soo saaro bullaacad.
Ciidanka Dabdemiska ayaa Dadweynaha Goobtaas joogay ku soo Wargeliyeen Yeedhmadaas, waxaana Ciidanku u Baxay Gurmadkaa waxaana isla markii Ciidanku Isticmaalay Qalabka Badbaadada ee Sallaamada iyo Xadhkaha iyo Gaadhi Wiish ah, Waxaana Muddo Kooban ciidanku Godkaas kaga soo saaray Neefkaasi kuna Guuleysteen iyadoo Hawlgalkaa Ciidanku ku soo Badbaadiyeen Awrkaa uu Hogaaminayay Taliyaha Xarunta Qaybta Labaad.