Wafti Ka Socda Dawlada Eretria Oo Goor Dhaweyd Soo Gaadhey Caasimada Addis Ababa Ee Itoobiya + Sawiro
June 27, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wefti ka socda waddanka Wafdi sare oo ka socda Eritrea ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, wafdiga waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha dibadda iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea.
Waa wafdigii u horeeyay oo ka socda Eritrea ka socda oo muddo qarni ku dhow taga Addis Ababa, tan iyo markii colaada labada dal soo bilaabatay.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa u dhaxeysau colaad soo socotay muddo 20 sano, Intii u dhaxeysa 1998 illaa 2000 waxaa dhex maray mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee Afrika soo mara.
