Xukumada Somaliland Oo Dekeda Berbera Ku Xayirtay Gaadiid Ay Soo Dajisay Shirkada Toyota Marill
April 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Xukumada Somaliland ayaa Dekedda Berbera ku xayirtay 12 baabuur oo ay shirkadda TOYOTA Marill ay si sharci daro ah dalka u keentay. Baabuurtan oo ka kooban 10 Landcuiser Hardtop iyo labba Hilux pick up ayaa Xayiradani ka danbiysay ka dib markii Maxkamada Jamhuuriyadda Somaliland ka soosaartay Amar Maxkamadeed oo dhigayey in la Xayiro isla markana baabuurtasi lagu hayo Dekeda Berbera madama aanay Haysan Wakiilnimada soo dajinta Baabuurta TOYOTA MARILL.