Xukuumadda Oo Ka Hadashay Wefti Ka Socda Dalka Imaaraadka Carabta Oo Safar Ku Yimid Badhan
June 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, ayaa ka hadlay Hay’addo dalka Imaraadka ah oo tagay Deegaanada uu ka soo jeedo ee Sanaag Berri, waxaanu tilmaamay in Xukuumad ahaan ay ka war hayaan, waxaanu sheegay in Hay’addahani Deeganadaas ay ka fulinayaan mashariico khayriya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf, oo Wargeyska Geeska Afrika weftigan ayaa ugu horeyn yidhi ‘Waa Hay’addo khayriya, oo mutadawiciina, oo isku tag tagay, oo ka shaqaynayey Deegaanka, waxay u yimaadeen hawlo ay wadeen, horena wey u joogeen, maanta (shalay), ayey yimaadeen waana la soconay, qorshaha ay u yimaadeen waa mashriicaha khayriga ah ee ay ka wadaan deegaanka”.