Khiyaamooyinka dahsoon ee itoobiya iyo imaaraatigu wadaan wuxuu dhabar jab ku yahay meel marintii maalgashigii Dekeda Berbera.
June 28, 2018 - Written by Berbera Today
Dawlada itoobiya waxay heshiisyo badan la gashay dhawaan dalalka Djabouti, Kenya, Sudan, Somaliya iyo Somaliland. Waxaana ay saamiyo ka iibsatay Dekedaha Jabouti, Somaliland iyo South Sudaan. waxa ay iyana saldhig milatari laga siiyey Xeebta Lamu ee dalka Kenya. Qorshaha cusub ee Raysalwasaaraha cusubi badka soo dhigay waxaa ka mid ah :
1- In adeega ganacsiga ” import and export ” ay itoobiya 90% isticmaalaan Dekeda Jibuuti ee Daaroole waxaana u fuddeynaaya jidka Tareenka ee isku xidha Daroole ilaa Arddis Abbaba Jidkaa oo dhererkiisu yahay 759 km.
2- In 5 % ay isticmaalaan Dekeda Port Sudaan marka wadooyinka la hagaajiyo
3- In 5 % oo keliya ay isticmaalaan Dekeda Berbera maadaama aanay wado jirin.
4- In la Xoojiyo dhismaha Ciidanka bada ee itoobiya oo saldhig looga dhigo agagaarka Dekeda Berbera maadaama Itoobiya ay saami 19%ay ku leedahay Dekeda Berbera marinka Dekeda Berberina uu yahay marinka uu soo maro ganacasiga itoobiya badan kiisu. Marinka Berbera ayaa ugu haboon uguna mashquulsan gacanka cadmeen maadaama uu albaabka Canal suez u jiro qiyaas ahaan 260 miles.
ilaa 100-kii sanadood ee la soo dhaafay Siyaasadda arimaha debedda ee Itoobiya waxaa ugu horeysay in Itoobiya yeelato Marin-Badeed ay wax ku yeelato oo rasmi u ah, waxaana arintaa u fududeeyey Itoobiya dawlada imaaraatiga oo iyana doonaysay in ay wada xidhato dhamaan Dekedaha Geeska Africa, waxaa kale oo u fududeeyey Xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye. Waxaynu wada ognahay in Itoobiya tahay melateri ahaan quwada 3-aad ee Africa iyo quwada 43-aad ee Aduunka taa soo hadii damac ka galo in ay lawareegto Dekeda Berbera aan biyo u kabaneyn taas oo khatarteeda iska leh maadaama milateri ahaan aanay Somaliland iska caabiyi karin itoobiya.
Marinka Dekeda Berberi waa marinka ugu toosan uguna dheereeya ee isku xidha Qaarada Yurub iyo Asiya kaas oo ay maraan ugu yaraan 20% Ganacsiga Saliida aduunka marka loo eego xogta dhawaan laga helay qaramada midoobay.. damaca iyo dardarta Raysalwasaaraha cusub ee itoobiya ayaa Somaliland cagaha u sii geliyey holaca danaha sumeysan ee hirdanka xoogani ka dhaxeeyo waxaana laga yaabaa in Dekeda Berberi ay xudun unoqoto dagaalka siyaasadeed ee ka dhaxeeya wadamada khaliijka oo iyagu isu haya Shiica iyo Suni.
Dekeda Berberi waxay fure u aheyd Siyaasada qaranka, Madaxbaanida dalka iyo dhaqaalaha wadanka taa soo markii DPW la wareegtay Siyaasadii,madaxbanaanidii iyo dhaqaalihii dalkaba uu laaxin badani galay.