Garoonka Moqdisho Oo Laga Soo Dejiyey Dad Laga Soo Tarxiilay Dalka Mareykanka
June 29, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa VOA u sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaadheen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya.