Shirkii Beelaha Garxajis Uga Socday Buurta Gacan Libaax Oo Maalinta Beriya ee Axada Soo Gabagaboobi Doona Iyo Qodobada Kasoo Bixi Doona Oo Loo Dheg Taagayo
June 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir weynihii Beel weynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq ee Garxajis ee Tol-wanaaje Laba , ayaa maalintii sideedaa si habsami ah uga socda Buurta Gacan-libaax ee degmada Go’da weyn, iyadoo haatan uu shirka Tol-wanaaje Laba uu ku sii siqayo xaalad gebo-gebo.
Shirkan Dhaqan ee Beesha Garxajis iskugu timi oo ahaa mid aan Beeshu u kala hadhin qol-qol joog iyo qurba joog-ba , isla markaana aan noociisa hore loo arag, ayaa waxa majaraha u haya oo hagaya ergooyin laga soo xulay Beelaha Garxajis oo Tiradoodu dhantay 550 Erygey iyo weliba 1000qof kale, kuwaas oo ahaa wax-garad aqoonyahan iyo indhaar-garad kor-joogtanaya Shirka oo goob-jooga ka ah.