Khasaaraha Ka Dhashay Iska Hor Imaad Dablay Hubaysan Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Dhex Maray Ceel Afweyn
July 1, 2018 - Written by Berbera Today
Ceel Afweyn(Berberatoday.com)-Degmadda Ceel Afweyn oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa lagu soo waramayaa in ciidamada Qaranka Somaliland uu hal Askari kaga dhintay, laba kalena ka dhaawacmeen ka dib markii dablay hubaysan ay is weydaarsadeen Rasaas.
Dablaydan oo marka hore weerar ku qaaday Baabuur Jaad u siday Magaaladda ayaa iyagana waxa ka dhaawacmay laba qof.
Ma jiro Khasaare intaasi ka badan, hasayeeshee xaaladda ayaa mar qudha cirka isku shareertay, maadama Deegaanka Ceel Afweyn Marka horeba ay ka jirtay Sansaan Colaadeed, ka dib dagaal laba beelood oo halkaasi wada dega uu dhawaan dhex maray.