Shirkada Dekeda Berbera Maamusha Ee Dp World Oo Xafiis ka Furanaysa Dalka Itoobiya Iyadoon Dekedii Cusbayd Dhismaheeda Bilaabin Iyo Shaqada Uu Qaban Doono Xafiiskaasi Oo La Shaaciyay
July 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxa shirkadda DP World Sultan Bin Sulaymaan waxa uu sheegay in shirkaddu Waddanka Itoobiya ka samaysanayso xarun fududaysa dhoofka waxyaabaha dalka Itoobiya laga saarayo iyo waxyaabaha loo sii gudbinayo waddamada aan badda lahayn ee Afrika.
Shirkadda DP World waxa ay maamusha dekedaha Berbera iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Somalia waxaanu suuqeeda ugu weyn yahay waddanka Itoobiya oo aan bad lahayn.