Cabdi Kariim Qalbi Dhagax Oo Shaaciyey Magac-yada Madaxdii Somaliya Ee Itoobiya U Dhiibtay
July 3, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.
Qalbi Dhagax waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaaliya ay ka qabteen Magalada Gaalkacyo,isla markaana mudo Saddex cisho ah uu ku xidhnaa halkaas kadibna ay u soo wareejiyeen Xabsiga Godka Jilacow eeMagaalada Muqdisho.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in sidoo kale mudadii uu ku xidhnaa Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lixda Cisho aheyd ay ogaayeen madaxda ugu sareysa dowladda balse ay go’aankii lagu wareejiyey lahaayeen,lix maalin kadibna isaga oo Gacmaha iyo indhaha ka xidhan loo duuliyey Itoobiya Inta Diyaarad La Saaray.