Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Magacaabay Kuxigeenka Hanti Dhawaraha Guud Ee Qaranka Somaliland
July 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Digreeto uu ku saxeexanyahay Ku magacaabay Kuxigeenka Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Inuu ahaado Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash. Digreetada Madaxweynuhu ku saxeexanyahay oo Warsaxaafaded ahaan loo Soo Saaray waxay udhignayd Sidan Hoos Ku Ka Muuqata”
WAR-SAXAAFADEED: 03 /07/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka
Markaan Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markaan Sameeyey: In uu hanan karo xilkan;
Waxaan Go’aamiyey;
In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland