Marwo Rooda Axmed Yasin Oo Madaxweyne Muuse Biixi Umagacaabay Xubin Sare Oo Gudida Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland
July 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Xubin sare oo ka tirsan komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Umagacaabay Marwo Rooda Axmed Yasin Diiriye oo kamida Haweenka Haldoorka ah ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil islamarkaana ah siyaasiyad mudo dheer kusoo jirtay Saaxada siyaasada Somaliland oo katirsan Xisbil Xaakimka Kulmiye sidoo kalena kamid ahayd halyayadii dhaliyay Guusha Xisbiga Kulmiye gaar ahaan Gobolka Saaxil oo ay kamid ahayd Gudidii Kabaynka ee codka Tirada badan keenay tacabka Badana galiyay sidii Madaxweyne Muuse Biixi Dalka uhogaamin lahaa kursiga Dalka Ugu Sareeyana ugu fadhiisan lahaa.