Mid Ka Mid Ah Saxafiyiinta Ka Hawl Gala Gobolka Awdal Oo Xukuumadu Xabsiga Dhigtay
July 4, 2018 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Saxafiga Hoori Axmed Hoori oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala magaalada Borama isla markaana ka shaqeeya telefishana HCTV ayaa maanta ay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Xabsiga Dhigtay
Qaar ka mid ah masuulyiinta telefishanka uu Wariyahani ka shaqeeyo ayaa sheegay inamarka xidhitaanka saxafigan u Bixiyey Badhasaabka gobalkaasi , kaasi oo la sheegay in uu ka cadhooday su,aal uu weydiiyey wariyahani oo ku saabsaneyd Suldaan Wabar
