Daawo Muuqalka”Hooyo Waayeela Oo Reer Berbera Ah Oo Ku Dhawaaqday Inay Tahriibi Doonto Hadii Ay Xukumadu Waxba Ka Qaban Weydo Sicir Bararka Dalka Aafeeyay Oo Ganacsi Yar Oo Ay Lahayd Ka Sahayday
July 5, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Hooyadan oo kamida shacabka reer berbera ayaa Sariibada weyn ee Berbera agagaarkeeda ku iibin jirtay Joonyad Maryaha Huudhaydhka ah waxaanay sheegtay inay kacday oo aan hada gacanta waxba Ku haynin oo Sicir Bararka dalka Ka Jiraa ka sahayday Waxoogaagii yaraa ee ay Huudhaydhkaas caruurteeda uga soo saari Jirtay Masaariifta waxaanay hooyadani sheegtay inay dalka Ka tahriibi doonto hadaan wax laga qabanin Sicir Bararka Dalka aafeeyay guud ahaan Somaliland.