Caalim Caan Ku Ah Cilminafsiga Ayaa Soo Saaray 22 Qodob Oo Nolosha Qofka Ku Dhaqma Wax Ka Beddelaya
July 5, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Mikhail Litvak waa caalami ku xeeldheer cilminafsiga oo qoray 30 buug oo ka warramaya noocyada kala duwan ee cilminafsiga, gaar ahaan qaybaha taabahana nolosha maskaxeed ee aadamaha iyo habdhaqankiisa. Buugtaas oo isku darkooda laga daabacay in ka badan 5 Milyan oo nuskhadood, waxaa u dheer qodobbo iyo qoraallo cilmiyeedyo uu kaga waramay aqoonta la xidhiidha dabiibka nafsiga ah iyo cilmi nafsiga.
Qormadan oo aan ka soo xigtay degelka internet ka ee Daily Positive Information, waxa uu Mikhail Litvak oo aad loogu aqoonsanyahay in uu ka mid yahay culimada ugu miisaanka culus cilminafsiga, gaar ahaan qaybihiisa caafimaadka maskada, ayaa soo jeediyey 22 qodob oo fure u noqon kara in qofku uu nolosha guulo ka gaadhi karo iyo in uu wanaajiyo xidhiidhadiisa.