berberatoday.com
Samatar Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu La Kulmo Raysal-Wasaaraha Itoobiya Iyo Waxyaabaha Uu ku Sababeeyay
July 6, 2018 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahanada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa la waydiiyey in Heshiiskii uu Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya la galay Dawladda Soomaaliya uu saamayn ku yeelan karo Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

Prof. Samatar oo bixiyey Waraysi dheer oo uu ka hadlay arrimo badan oo khuseeya Arrimaha Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiinta la shaqeeyaa ay Wada-hadallo la yeeshaan Raysal-wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya, isla-markaana la isla fahmo arrimaha taagan.

Samatar oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey Xidhiidhka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya inuu saamayn ku yeelan karo Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, ayaa ku jawaabay sidan “Qadiyadda Somaliland kuma xidhna inay Adduunyada kale u soo jeeddo iyo in kale, ha noqoto Itoobiya ama Soomaaliya ha noqotee, Somaliland Miiska ay Adduunyada ku leedahay iyo sida loo garanayo gunta ugu dambaysa waxay ku xidhan tahay Dadka reer Somaliland iyo Madaxdoodu siday u iibiyaan ee ay Adduunyada uga dhaadhiciyaan Taariikhda ay leeyihiin iyo xaqa ay leeyihiin iyo xagga ay ku socdaan, 27-kii sannadood ee u dambeeyay reer Somaliland taa way ka gaabiyeen, markaa Itoobiya waa suuq furan oo waa waxaad ka iibiso.”

Warka Koowaad

Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu ku taliyey in Madaxweynaha Somaliland uu Wada-hadallo la yeesho Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya “Saamaynta ay ku yeelanaysaa in Dr. Abyi Axmed iyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo inta la socotaa inay Wada-hadallo cusub yeeshaan oo arrintaa la isla eego (in xidhiidhka Itoobiya la yeelatay Soomaaliya saamayn ku yeelan karto Somaliland)..” ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews