Mudaharaad Xoogan Oo Iminka Ka Socda Magaalada Dila Ee Gobalka Awdal Iyo Sababta Keentay
July 6, 2018 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Dadweynaha magaalada Dilla ee gobolka Awdal ayaa iskugu soo baxay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xadhig loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdishakuur Aw Cali Buux (Gacmoole) kaas oo ay ciidamada boolisku ku xidheen magaalada Boorama.
Cabdishakuur Aw Cali Buux ayey wararku sheegayaan in lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay koox dhalinyaro ah oo shaqo joojin ku samaysay cagafyo ay xukuumadu leedahay oo beero ka qodayey banka Wajaale.
Mudaharaadka ay dhigayaan dadweynaha degmada Dilla ayaa ka dhashay ka dib markii la sheegay in muwaadinka la xidhay loo qaadayo magaalada Hargeysa, isla markaana uu halkaas ku xidhnaan doono.