Taliyihii Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Deeganka Taleex Oo Geeriyoodey Kadib Markii Uu La Qalimay Gaadhi Uu Saarnaa
July 7, 2018 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Taliyihii ciidanka Millatariga Taleex ee Somaliland Saleebaan Cabdi Caatay ayaa geeriyooday kaddib markii isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan gobolka ay si kedis ah iyagoo safar ku jira ugu tallaabeen dhanka Puntland ee aagga God-qaboobe.
Taliyaha iyo saraakiishii la socday markii ay u tallaabeen dhanka Puntland ayaa waxaa soo rasaaseeyay ciidamo ka tirsan Puntland waxaana halkaasi ku geeriyooday taliyaha kaddib markii gaadhigii ay saarnaayeen la qallibmay.
Berberatoday.com