Barzil Iyo Uruguay Oo Laga Reebay Afar Dhamaadka Koobka Aduunka Iyo Xulalka Dalalka Belgium Iyo France Oo Soo Gudbay
July 7, 2018 - Written by Berbera Today
Moscow(Berberatoday.com)-Xulka Belgium ayaa gaadhay afar dhamaadka koobka adduunka kadib markii ay 2-1 guul ay ka gaadheen Brzail cayaartii ka dhacday garoonka Kazan ee dalka ruushka.
Cayaarta ayaa lagu kala maray qeybta hore 2-0,waxaan hogaanka u heysay qaranka Belgium.
Goolka kowaad ayaa ahaa Otareeto ama Own goal waxaana ay kubbad uu soo madaxeyay daafaca Kompany ay ku dhacday xiddiga Fernandinho daqiiqadii 13-aad.
Xulka Brazil ayaa fursado halis ah galiyay goolka Belgium waxa dhawr mar fursado qasaariyay Paulinho.
Daqiiqadii 31-aad Belgium ayaa hogaanka dheereysatay waxaan kubbad qurux badan goolka Brazil ku hubsaday Kevin De Bruyne markii uu caawinaad ka helay Romalu Lukaku oo soo dhexjeexay cayaariyahanada Selacao.
Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe qaranka Brazil ayaa dhan kasta ka weeraray Belgium laakiin waxaa Qatar walba ka badbaadinayay goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois.
Cayaartu markii ay socotay daqiiqadii 76-aad Brazil ayaa heshay gool waxaan madax ugu dhaliyay laacibka badalka kusoo galay dheesha ee Renato Augusto isla cayaariyahankana ayaa ku sigtay inuu goolka barbaraha u dhaliyo Brazil markii uu fursad boos fiicana uu kubbad ka darbeeyay taa oo martay dhinaca goolka.
Marka Brazil ayaa halis kale ku abuurtay Belgium kadib kubbad dibadda goolka ka martay Coutinho markii uu caawinaad ka helay Neymar.
Daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray cayaarta kubbad ay kow laba wada cayaareen xiddigaha Douglas Costa iyo Neymar waxaa si fiican u Badbaadiyay Courtois.
Ugu dambeyna kulanka ayaa ku dhamaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday Belgium oo afar dhamaadka koobka adduunka la ciyaari doona France waana markii uohreysay ee dalka belgium uu koobka aduunka ka reebo xulka dalka Brazil ama ka badiyaba.
Sidoo Kale Xulka dalka faransiiska ayaa iyaguna usoo gudabay afar dhamaadka koobka aduunka kadib markii ay laba gool iyo waxba ku garaaceen xulka kubada cagta dalka Uruguay waxaana labada gool ukala dhaliyay laacibiinta Antonin Grizman Iyo Mbappe Kylian




















Gool FM.