Dawladda Kenya Oo Sheegtay Inay Hargeysa Ka Furanayso Xafiis Diblomaasiyadeed
July 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay 16 xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso 16 wadan oo Afrikaan ah saddexda sannadood ee soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Kenya furanayso 16 xafiis diblomaasiyadeed oo mid ka mid ah ay ka furan doonto magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.