Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Ceel-Afweyn Iyo Saddex Ruux Oo Geeriyooday
July 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xiisad ayaa ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel-afweyn ee ay hore ugu dagaalameen beelaha walaalaha ah ee deegaankaas wada degeni.

Xiisadan ayaa ka soo cusboonaatay jiidaas ka dib markii khamiistii la dilay nin lagu magacaabo Alle haw naxariiste Ismaaciil Axmed Cawad, sidoo kalena Jimcihii shalay ayaa la dilay wiil dhallinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cawil Ducaale.