Akhirso”Hantida Madaxweyn Recep Tayyip Erdogan Oo Si Rasmi Loo Shaaciyey
July 8, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkiga ee dhowaan loo doortay Recep Tayyip Erdogan mar kale xilka ayaa la shaaciyay hantida uu heysto, sida uu qoray Wargeyska rasmiga ah ee dowladda Turkiga.

Hantida uu shaqsi ahaanta u leeyahay Madaxweyne Erdogan ayaa lagu sheegay inay gaadheyso 6,347,000 (Lix Milyan, Saddex boqol, afartan iyo toddoba kun) oo ah Liiraha dalka Turkiga oo u dhiganta lacag dhan $300,000 oo doolar, waxayna lacagtani kala taallaa ilaa saddex Banki oo Turkiga ku yaalla.