berberatoday.com
Akhriso”Dal Cusub Oo La Filaayo Inuu Ka Mid Noqdo Urur Gobaleedka IGAD + Waa Kuma Dalka
July 9, 2018 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga mid noqoto Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii ay sanadkii 2007-dii ka baxday xubinimada Ururka.

Warqad uu Maxbuub Macalin u qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku sheegay inuu ku ammaanayo sida geesinimada leh uu u fuliyay heshiiskii Algiers iyo inuu caadi ku soo laabtay xidhiidhkii labada dal Eritrea iyo Itoobiya.

 

 

Mr Maxbuub ayaa sheegay in dib uu soo hagaago xidhiidhka labada dal ee Eritrea iyo Itoobiya ay kaalin weyn ka qaadaneyso xasiloonida iyo dhaqaalaha gobolka.

“Waxaa rajeyneynaa in Eritrea dib ugu soo laabato IGAD oo ay booskeeda rasmiga ah uga qeyb qaadato kaalinteeda horumarinta iyo nabadda Gobolka”ayuu yidhi Maxbuub Macalin.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maalintii shalay booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Asmara, taasoo aheyd safarkii u horeeyay oo Mas’uul Itoobiyaan ku tago Eritrea muddo labaatan sano ah.

Labada dal ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay, iyadoo la isu furayo ganacsigii iyo duulimaadyada, waxaana diyaaradda Ethiopian Airlines lagu wadaa inay duulimaadyadeeda ka bilowdo Eritrea muddo 20 sano kaddib.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews