Dawlada Somaliya Oo Bilowdey Qorshe Somaliland Caqabad Ku Ah Oo Ku Saabsan Arimaha Xajka Iyo Mooganaanta Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi
July 10, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Soomaaliya ayaa culays ku saartay shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ee qaada Xujaajta inay lacagta ku soo shubaan wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa samaysay xafiis lagu magacaabo “Arrimaha Xajka” oo ay sheegtay inuu metelayo wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya, kaas oo diyaariyay heshiis loogu tallo galay inay wada saxeexaan dawladda Soomaaliya iyo shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida. Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadaha diyaaraduhu ay dawladda Soomaaliya ku shubaan lacagta xajka ee xaaji kasta oo dhan $ 3300(Saddex kun iyo saddex boqol oo dollar). Lacagtaas ayaa laga walaacsanyahay inay ku dhacdo gacmo kale, maadaama oo aanay dawladda Soomaaliya lahayn nidaam xisaabeed oo aamin ah.