Madaxweyne Trump Oo Magacaabey Garsoore Maxkamadda Ugu Sarraysa Ka Dhimanaa
July 10, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa boos garsoorenimo maxkamadda ugu sarraysa ah u magacaabay Brett Kavanaugh, isaga oo hardan u gali doona ansixintiinta golaha Senet-ka.
Trump oo magacaabiddiisa ka shaaciyay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa ammaan kala dul dhacay Brett.
Ninkan la magacaabay ayaa garsoore ka soo noqday maxkamadda racfaanka ee Washington, wuxuuna la taliye u soo noqdaymadaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush.