Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Kulan Wada Qaatay Iyo Arimo Xasaasiya Oo Ay Ka Wada Hadleen
July 10, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oo shalay booqasho ku tegay dalka Ethiopia, waxa uu xalay Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali oo ay ka wada hadleen Xaalladaha dalalka Somalia, South Sudan iyo Horumaradii ugu dambeeyey ee Heshiiskii ay Ethiopia iyo Eritrea ka gaareen colaadihii u dhexeeyey.
Antonio Guterres waxa uu soo dhaweeyey Heshiiskii Taariikhiga ee ay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Issias Efewerki dhawaan ku kala saxiixdeen magaalladda Asmara, oo dib loogu soo celiyey Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada waddan oo go’naa 20-kii sanno ee la soo dhaafay.