Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo Dalbaday Kal fadhi Aan Caadi Ahayn Oo Maayarka Xilka Lagaga Xayuubinayo Iyo Nuxurka Qoraal Ay Gudbiyeen.
July 11, 2018 - Written by Berbera Today
Gabiley(Berberatoday.com)-Xildhibanaadii Ugu Tirada Badnaa ee kamida golaha deegaanka degmada gabiley ayaa wasaarada arimaha gudaha ,badhasaabka gobolka iyo duqa degmada ugudbiyay qoraal ay ku sexeexan yihiin oo ay ku dalbanayaa in si deg deg ah loo qabto kalfadhi aan caadi ahayn oo xilka lagaga tuurayo maayar maxamed cumar cabdi.
