Shirkad Dawooyinka Samaysa Oo Lagu Amray In Ay Bixiso 4.7 Bilyan Oo Doolar Oo Mag Dhaw Ah Iyo Sababta Keentay
July 13, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Shirkadda dawooyinka samaysa ee Johnson Johnson ayaa lagu amray in ay bixiso 4.7 bilyan oo doolar oo magdhaw ah.
Arrintaas ayaa timid ka dib markii 22 dumar ah ay ku eedeeyeen shirkadda in waxyaabo ay soo saartay ay u horseedeen in uu Kansar ku dhaco.
Xeer beegti ku sugan gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa xukunkaas riday.