Dawladda Somaliya oo Shuruudo Adag Dul Dhigtay Shirkadaha Diyaaradaha + Maxay Ku Sababaysay?
July 14, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ay ka shaqao gali garin Garoonka Diyaaraha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.
Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dego iyo kuwa ka baxa garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu ku saleysnaa kormeerka maanta Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada oo ay wehliyaan maareeyeyaasha Garoonka.
Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka Soomaaliya.