berberatoday.com
Salaadiin Iyo Ganacsato Garowe Utagay Nabadaynta Colaada Udhaxaysa Somaliland Iyo Putland Ee Tuka Raq Oo Waji Gabax La Soo Laabanaya
July 14, 2018 - Written by Berbera Today

Garowe(Berberatoday.com)-Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Garowe ee xarunta Puntland ku sugnaa waxgarad reer Somaliland ah oo dhawaan ka kicitimay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Waxgaradkan reer Somaliland oo aan ujeedada safarkooda war rasmi ah laga haynin, ayaa la sheegay inay Garowe u tageen sidii dagaalkii Tuko-raq ka dhacay loogu dhammayn lahaa wada hadal islamarkaana looga dheeraan lahaa in dagaal dambe jiidaas ka qarxo waxaana la sheegay inay ku tageen Garowe caasimada Putland is afgarad iyo wada hadal markii hore la sii yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ubandhigeen inuu nabada kala shaqeeya ka Madax dhaqameed ahaan iyaga oo iyagu is xilqaamay sida la sheegay.
Odayaashan oo isugu jira Salaadiin iyo ganacsato ayaa waxa la sheegay inay dhawrkii maalmood ee ay halkaas joogeen kulamo la yeesheen madaxda dhaqanka iyo ganacsatada reer Puntland oo ay ka wada sheekaysteen sidii colaadaas Tuko-raq loogu dhammayn lahaa nabadgelyo.

Hase yeeshee waxa la sheegay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid Isimada Gobolka Sool ee Wax Ka Asaasay maamulka Putland waliigiina Kasoo Horjeeday Qaranimada iyo dawladnimada Somaliland islamrkaana kulanka ay wada yeesheen Odayaasha dhaqanka Hargeysa ka Tagay Iyo Kuwa Putland gudoominaayay afhayeen u ahaa odayaasha dhaqanka Putland ayaa Sutida Uqabtay Salaadiintii,ganacsatadii iyo Madaxdii dhaqanka ee Somaliland ka tagay isagoo si hanjabadi ka muuqato sida la sheegay ugu Yidhi “Waxaynu wada hadal yeelanaynaa markaad Ciidamadiina Somaliland ee deegaankayga kusoo duulay aad ku celisaan Degmada Oog ee katirsan Gobolka Saraar ee Caynaba” Isaga oo hadalkiisa Sii Wata Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxa uu Yidhi”Maanta Markaan daarood Noqday ee aan iskiin Celiyay ee aan awood yeeshay Maxad ii baryaysaan hadiise aydaan dagaalka ka Baxayn Maxaad ubilawdeen duulaanka deegaanka aydaan lahayn”sidaasna waa lagu kala kacay laguna kala yimi oo Odayaashii dhaqanka ee Somaliland ka tagay maantay kusoo labanayaan Hargeysa waana sida ay sheegayaan xogo rasmiya oo la xidhiidha tagitaanka Odayaasha dhaqanka Somaliland ee Garowe tagay.


Warku wuxuu intaas ku daray  inaanay odayaashani wax kulan ah la yeelan cid ka tirsan maamul Goboleedka dawlada Puntland, waxaanay kulamadoodu ku koobnaayeen madaxda dhaqanka iyo ganacsatada.

Halkan Ka Akhriso Magacyada Sulaadiinta Iyo Ganacsatada Somaliland Ee Garowe Tagay


1. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
2. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
3. DR. Axmed Aadan Buuxane
4. Ganacsade Jamaal Caydiid Ibraahim
5. Ganacsade Cismaan Baane
6. Ganacsade Xasan Yuusuf
7. Siciid Aadan Guuleed

 

Ahmed Mohamed Shirwac 

Free Journalist Burco

Shirwac14@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews