Bahda Garsoorka iyo Dawladda Hoose Hargeysa Oo Xal U Radinaaya Mushkiladda Dacwadaha Dhulka
April 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday,com)-Bahda Garsoorka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa kulan lagaga arrinsanaayey dhibaatooyinka dacwadaha dhulka ka dhasha ku yeeshay Shalay Xarunta Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali oo Hoggaaminaaya bahda Garsoorka iyo Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko oo hor kacaayey Golaha Deegaanka, ayaa sheegay in xal loo radinaayo dacwadaha dhulka oo ah kuwo mushkilado badan keena.