“Sucuudiguna Raali Ha Ahaado, Qatarna Xaal Ha Qaadato! Hadda Iyo Wixii Ka Dambeeyana Labadooda Dhex Inaynu U Noqono…. Cali Guray.
July 15, 2018 - Written by Berbera Today
Siyaasi Cali Guray Oo Dhaliilay Xidhiidhka Somaliland La Leedahay Sucuudiga kuna Baaqay In Hada Wixii ka Danbeeya Jsl Dhex Ka Tahay Khilaafka Sucuudiga Iyo Qatar, Wasiirka Arimaha Dibada Ku Eedeeyay In uu ka Gaabshay Xilkii Saarnaa Iyo Masuuliyadii Uu Umada Uhayay.
MEEL AAN LAGAA RABIN INDHAHA LALAMA SII RAACO!!
Ma run baa Boqortooyadii Sucuudigu waxay tidhi kiinu ma soconayo ee ka Muqdisho oo keliya ayaa soconaya eh ha ka doonato baasaaboor cidii rabta inay soo xajido? Hadii ay sidaa tahay anigu waxan u fahmay in fariinta Sucuudigu markaa tahay idinka ayaa bad galaye horta yaa idinku yidhi Sucuudiga iyo Qatar kala raaca oo dhinac noqda? Waar Somaliya oo dhan mawqifka Muqdisho oo keliya ayuun baa rasmi ah ma jiri karo mawqif kale oo Somaliland ay gaar u qaadan karayso oo xagayga macno ka samaynayaa. Markaa dee Sucuudiguna raali ha ahaado Qatarna xaal ha qaadato hadda iyo wixii ka dambeeyana labadooda dhex inaynu u noqono miyaanay ahayn? Mise Sucuudiga oo weli mawqifkiisii hore ee kuligiiba qaladka ahaa taagan oon dan iyo muraad ka lahayn Somaliland intii ay jirtayna aan marna wax macno leh tarin ayaynu iska daba hashlaynaa?