Toobabaraha Faransiiska Didier Deschamps Oo Soo Barbareeyay Guulihii Taariikhiga Ahaa Ay Koobka Aduunka Ka Gaadheen Halyeeyada Mario Zagalo Iyo Franz Beckenbauer.
July 15, 2018 - Written by Berbera Today
(World Cup) 15 Luulyo 2018. Didier Deschamps ayaa ku hogaamiyay xulka qaran france ku guuleysiga koobka aduunka 2018 ee dalka Russia, kadib mar ay dhigooda Croatia ku xasuuqeen 4-1, kulankii finalka.
Deschamps ayaa soo barbareeyay guulihii taariikhiga ahaa Mario Zagalo iyo Franz Beckenbauer, kadib markii ay noqdeen saddexda shaqsi ay ku guuleestay iyagoo macalin ah iyo ciyaaryahanba.
Halyayga reer Brazil ee Mario Zagalo ayaa ku guuleestay koobka aduunka isagoo ah ciyaaryahan laba jeer waana sanadihii 1958 iyo 1962, isagoo macalin ahna wuxuu qaaday 1970.
Halka Franz Beckenbauer uu kula soo guuleestay koobka aduunka xulka qaranka Germemay sanadii 1974 kadib markii ay kaga guuleysteen xulka Holand uu hogaaminayay Johan Cruyff, wuxuuna sidoo kale ku guuleestay isagoo ah tababare sanadii 1990.
Macalinka xulka qaranka France Didier Deschamps ayaa isagoo ah ciyaaryahan wuxuu lasoo qaaday France sanadii 1998, kahor inta uusan markale ku guuleysan isagoo ah tababare koobkii aduunka 2018 ee haatan lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia.