Ilmo Yar Oo Ku Guulaystay In Uu Qaadhaan $ 6 Kun Oo Ah 2 Saacadood Gudahood Ugu Ururiyay Walaalkii Oo Buka
July 16, 2018 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Wiil sagaal sano jir ah oo u dhashay gobalka Carolina ee Koonfurta dalka Maraykanka ayaa awooday in uu laba saacadood gudahood ku ururiyo 6 kun oo doolar oo qaadhaan ah. Andrew Emery, oo doonayey in uu waalidkii ka caawiyo bixinta kharashka lagu daweynayo walaalkiisa ka yare e Dylan oo qaba cudurka Krabbe oo ah xaalad neerfeed mar la arag ah oo inta badan loo dhinto.