Akhris Qisada”Qabiilooyin Lafaha Awoowyadooda Geeriyooda Ka Dhigta Mindiyo .. Sababtuna Waa Tan
July 16, 2018 - Written by Berbera Today
Jayapura(Berberatoday.com)- Qaar ka mid ah dagaalyahannada qabiilooyinka dalka New Guinea ayaa dhaqan u leh in xilliga dagaallada ay adeegsadaan mindiyo ka samaysan lafo. Waxa kale oo ay mindiyaha ka samaystaan lafaha shimbiraha noocyadooda aan duulin, sida gorayada oo sababta ugu weyn ee aanay u duuli karin ay tahay culayskeeda, maadaama oo uu miisaankeedu 60 kiiloogaraam, waxa kale oo uu qabiilkani mindayah dagaalka ka tuntaa lafaha dadkoodii hore ee dhintay, gaar ahaan aabayaasha iyo awoowyada.
Baadhis cilmiyeed oo ay dhowaan baahisay majaladda ‘Royal Society Open Science’ ayaa lagu ogaaday in qabiilooyinkani ay xilliga dagaalka is hormarin jiriin dagaalyahanno xul ah oo sita qalabka dagaalka ee ka samaysan lafaha awoowyadood. Waxa ay baadhistu caddaysay in qabiilooyinkani ay lafaha kala baxaan maydadka aabayaashooda ama xitaa halyeeyada kale ee taariikhda geesinimo ku lahaa qabiilka.