berberatoday.com
Eritrea Oo Dib U Furtay Safaaradeedii Ethiopia Oo Mudo 22 Sano Ah Xidhnayd
July 16, 2018 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Eritrea ayaa dib u furtay safaaraddeedii Ethiopia , Dib u furista safaaradda ee maanta ayaa timid toddobaad kadib markii labada dal ay ku dhawaaqeen inay soo afjareen labataan sano oo is-marin waa milatari uu ka taagnaa xudduudda, kaasi oo kumanaan qof ay ku dhinteen.

 

 

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki u gacan geliyey furayaasha safaaradda oo ku taalla bartamaha magaalada Addis-Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Furitaanka safaaradda ayaa soo geba gebeysay booqasho saddex maalin qaadatay oo uu Afwerki ku joogay Ethiopia.

Kumanaan qof ayaa ku dabaal-degay Addis-Ababa axaddii, ayada oo Abiy iyo Isais ay ka qeyb galeen xafladda nabadda laba dal ee horey cadowga isugu ahaa.

Isais ayaa dadka Ethiopia u sheegay “naceybkii, faquuqii iyo shirqooladii iminka way dhammaadeen”, isagoo intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay horey ugu dhaqaaqaan ayaga oo mid ah, islamarkaana cidna aysan ka xadi karin jaceylka ay heleen.

Abiy ayaa isna yidhi “Is-cafisku wuxuu xorreeyaa qalbiyada, marka aan leenahay dib ayaan u heshiinay, waxaan ula jeednaa waxaan dooranay waddadii is-cafinta iyo jaceylka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews