Beesha Caalamka Oo Mar Kale Ugu Baaqday Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Inay Soo Celiyaan Wada Hadaladii Hargeysa Iyo Muqdisho
July 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa arkay war-murtiyeedka la filayo in maanta laga soo saaro shirka Brussless ee loo qabtay dawladda Soomaaliya.
War-murtiyeedkan oo uu Geeska Afrika arkay oo ah qabyo-qoraal ayaa ka kooban 75 qodob, waxaanay laba qodob oo ka mid ahi khuseeyaan Somaliland, kuwaas oo kala ah qodobada 20aad iyo 21aad.
Qodobka 20aad ayaa ka hadlaya dagaalka Tukoraq, “Waxaanu si qoto dheer uga walaacsanahay soo kicitaanka xiisada Tuko-raq ee gobalka Sool. Waxaanu ugu baaqaynaa Somaliland iyo Puntland inay si deg deg ah u sameeyaan xabad joojin, ciidamada la kala baxaan oo ay bilaabaan wada hadal siyaasadeed, bilaa shuruudna ku ogolaadaan arrimaha bini-aadminimada.” Sidaas ayaa lagu yidhi qodobkaas 20aad.