“Dadkii Dalka Xoreeyay Ee U Soo Halgamay, Waxa Ay Maanta Dareemayaan In Somaliland iyo Wixii Ay Ku Tacbeen La Wada Ilaalinayo”..Ex, Wasiir Shucayb Maxamed Muuse
July 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Warshadaha Somaliland, Xukuumadii Siilaanyo, Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa waxa uu khudbad dhinacyo Badan taabanaysa ka jeediyay degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi Jeex oo lagu qabtay munaasibad Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida hore lagu wareejinayay deeqo kala duwan.