Lammaane 20jirkoodii Isguursaday Oo Ku Heshiiyey Inay Kala Tagaan Oo Mar Kale 40jirkooda Isguursadaan Haddii Ay Xaas La’aan Ku Gaadhaan!
July 21, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Lammaane 20 jirkoodii isku guursaday oo hore ugu heshiiyay markii ay kala tegayeen inay isguursan doonaan haddii ay dhacdo inay 40 jir ku gaadhaan iyagoon midkoodna xaas yeelan, ayaa dib isugu noqday markii ay sidaasi u dhacday.
Lammaanahan oo la kala yidhaa Mairi iyo Rhys ayaa markii ugu horreysay 20 jirkoodii isguursaday, haatan Mairi Gordon da’deedu waa 45 jir, halka Rhys Mc Lellan oo u dhashay gobolka Edinburgh ay da’diisu tahay 43 jir. Waxaanay aheyd 1995-Kii markii ay kala tageen, iyagoo si kaftan ah ugu heshiiyey inay dib-isugu noqdaan markay afartan jirsadaan, sidaasi awgeed waxay ku guuldarreysteen inay xidhiidh qoysnimo uu mid kastaa uu cid kale la yeesho, wallaw lammaanahaasi kala tegay ay sannado dambe kulmeen oo ay sheeko dambe dhex martay ayaa haddana aanay ku guuleysan inay dib-u-isugu noqdaan.