Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Shirka Somaliya Loogu Qabtay Dalk Belgiumka Iyo Kulankii Faysal Cali Waraabe Iyo Madaxweyne Farmaajo
July 21, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley shirkii Brussels loogu qabtey dawlada Somaliya iyo kulankii dhex maray madaxweyne Farmaajo Iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanu wax war ah ka heynin isla markaana aanu ogeyn oo ay ku noqotey amakaag , waxaana uu madaxweynuhu sheegay in ay arintaasi u baahan tahay in dib la iskaga arko arintaas
” Shirkaas waxaa tagay gudoomiyaha xisbiga UCID , manaan ogeyn , lanagamuu tashan , talo kumaan laheyn , waa wax inagu cusub waana wax u baahan in dib la iskaga arko halkaas , isaga iyo cidii la socoteyba amakaag ayey nagu noqotey , xataa manaan ogeyn in uu baxay , isaga oo farmaajo la jooga uun baanu aragney ..” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi