Cilmi Baadhis Sheegtay In Cuntada Hudheelada Laga Cunaa Sababi Karto Caafimaad Daro Khatar Galin Karta Dhalmada
July 22, 2018 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)- Cilmibaadhis ay natiijadeedu dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in wax ka cunista hudheellada / maqaaxiyaha cuntadu ay jidhka u soo jiiddo dhibaatooyin caafimaad darro oo qaarkood aad u khatar badan yihiin. Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in wax ka cunista hudheellada iyo meheradaha lagu iibiyo cuntada fudud / degdegga ah kor u qaado khatarta ah in qofka ay jidhkiisa galaan maaddooyin kiimikaad oo xanniba ama khalkhal geliya shaqada hormoonnada ee jidhka.