11 Askari Oo U Dhashay Iran Oo La Dilay Iyo Goobta Lagu Dilay
July 22, 2018 - Written by Berbera Today
Iran(Berberatoday.com)-11 askari oo u dhashay dalka Iran ayaa ku dhintay habeenimadii xalay weerar ay kooxo hubeysan ay ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada kaga sugnaayeen meel u dhow xadka uu dalkaas uu la leeyahay Ciraaq.

Weerarkaan ayaa uu ka dhacay meel u dhow magaalada Marivan, ee gobolka Kurdish oo 620 kiilo mitir dhanka galbeed kaga beegan caasimada Tehran.