Kenya Haweenay Ku Guulaysatay Tartan Quruxda haweenka Dalkaas Loo Qabtay Oo Dil Lagu Xukumay Iyo Sababta Keentay Xukunkaas
July 23, 2018 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla Dalka Kenya ayaa waxay dil ku xukuntay mid ka mid ah haweenka ku guuleystay boqorada Qurruxda ee Dalkaasi.

Haweenaydan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Ruth Kamandy waxaanay da’deedu tahah 24 jir, haweenaydan ayaa waxa lagu soo eedeeyay isla markaana ku caddaatay inay si badheedh ah Mindi ula dhacday wiil ay is jeclaayeen oo ay 24 jeer Mindi gelisay.