Maxaa Sabab U Ah Iscasilaada Gudoomiye Saleebaan ??Warbixin Akhriso
July 23, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa la filayaa in uu dhawaan banneeyo oo uu iska casilo xilka guddoomiyenimo ee golahaasi.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, guddoomiye Saleebaan ayaa go’aansadey in uu daba-yaaqada sanadkan gaar ahaan bisha December,2018 uu iskaga tago xilka guddoomiyenimo ee golaha Guurtida Somaliland.