“Dhawaaqa Xildhibaan Bidhiidh Waa Mid Geesinimo Iyo Waaya Aragnimo Ku Dheehantahay Waxana Uu Fariin Uyahay Saaxiibadiisa Golaha Ay Kusoo Wada Jireen Ee Uhaqal Tagaya Inay Soo Noqdaan Mar Kale”Maxamud Maxamed Jaamac Dhegaweyne
July 23, 2018 - Written by Berbera Today
Go’aan geesinimo, waaya aragnimo, muhanninimo iyo bisayl ka muuqdo weeye, go’aanka uu maanta ku dhawaaqay Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Aw Adan. Xildhiban Bidhiidh Berbera oo ahaa mashiinada wareejiya maskaxda hagta gollaha deegaanka degmada Berbera oo uu ka mid ahaa mudanayaasha ugu muddada dheer.
Dhawaaqa xildhibaanku wuxuu hordhac u yahay fariin uu u dirayo saaxiibadiisa ay gollaha ku soo wada jireen, una sheegayo in xilku qori isu dhiib yahay maalinbana lagu eego awrka reerka u dhaamin kara, lana nasiyo gurgurshaaga guyaal badan garbihiisa la soo isticmaalay. Waxaanay goodi u tahay ragga weli u xusul duubaya soo noqoshada bulshadii hore ugu hibaysay codkooda, oo maanta ka filaya inuu ku soo celiyo amaanadii ay hore u saareen, si ay u tijaabiyaan caqli iyo cudud kale oo geediga sii wada.