Gaadhigii U Gaarka Ahaa Ee Hoggaamiye Saddaam Xuseen Oo Lagu Iibinayo Dalka Maraykanka !
July 24, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Hoggaamiye kasta oo Dunida soo mara waxa uu ka tegaa taariikh lagu xasuusto iyo sidoo kale waxyaabo ka mid ah alaabihii uu adeegsan jiray.
Haddaba, Dalka Maraykanka ayaa waxa lagu iibinayaa gaadhiga magaciisa la yidhaahdo The Bentley ee u gaarka ahaan jiray Hoggaamiyihii Dalka Ciraaq ee Saddaam Xuseen.
Gaadhigan ayaa waxa uu Qoyskii Saddaam Xuseen ee ka tallin jiray Dalkaasi ay hantiyeen Sanadkii 1958 kii waxa aanu ka mid ahaa 31 gaadhi oo keliya oo noocaasi ahaa oo si gaar ah loo sameeyay, gaadhigaasi ayaa waxa lagu soo bandhigay Macradka Concours d’Elegance, ilaa iyo haatan lama shaacin qiimaha dhabta ah ee Gaadhigani, balse Lolene Hammond ah afhayeen u hadlayey wakaaladda Driving Du Nayshon oo Shabakada Berberatoday.com ka soo xigtay Warkan ayaa waxay sheegtay in helista gaadhigaasi ay soo martay marxalado badan, isla markaana gaadhigaasi gacanta lagu soo dhigay isagoo ay xabado ka muuqdaan oo aan wax kuraasi ah lahayn.