Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Beeniyay In Odayaasha Madasha Wadatashiga Xafiis Looga Furay Madaxtooyada Hargeysa
July 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga caanka ah ee Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa beeniyay wararka sheegaya in madasha wada tashiga oo uu ka tirsanaa xafiis looga furay madaxtooyada.

Warar maalmahan u dambeeyay lagu baahinayay baraha bulshada oo ay qorayeen dad reer Somaliland ahi ayaa isweydiinayay halka ay ku dambaysay mucaaradadii adkayd ee dalladii ay ku bahoobeen Eng. Maxamed Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo la yidhaahdo Madasha Wada Tashiga ku hayeen Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay qoraaladaasi qaarkood sheegayaan siyaasiyiintuu madashu la taliyayaal u noqdeen Madaxweyne Biixi, xafiisna looga furay madaxtooyada.