Ku Dhowaanshiyaha Goobaha Hilibka Lagu Dubayaa Waxa Ay Kordhisaa U Nuglaanshiyaha Cudurka Kansarka
July 25, 2018 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Shiinaha ayaa sheegay in keliya in aad ka agdhowaato goobaha hilibka lagu duubaa ay kor u qaaddo khatarta qaadista cudurka kansarka. Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in daraasaddooda ay ka soo baxday natiijadan lama filaanka noqotay ay sheegayso in maaddooyinka ku lammaan uumiga iyo qiiqa ka soo baxaya cuntada dabka tooska ah lagu dubayaa, haddii ay maqaarka qofka gaadho ay leedahay khatar ah in ay sababto kansar si la mid ah cunista hilibka dabka tooska ah lagu dubo oo isagana laga qaado cudurkan.