Gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe Oo Beri Hargeysa Ku Soo Waajahan Iyo Soodhaweyntii Balaadhan Oo Xisbigiisu Udiyaarinayo
July 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Hargeysa Kusoo Jeeda Iyo Soo Dhawayntii Abid Ugu Balaadhnayd Oo Loo Diyaarinay
Magaalada Hargeysa oo
ka socoto qabanqaabada iyo soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maalinta Berri ah kusoo beegan Magaalada Hargeysa.
Kumanaan taageerayaasha xisbiga UCID ayaa la filayaa inay soo xaadiraan soo dhawaynta Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku sugan Emaratka Carabta uu maalinta berri ah si wayn loogu soo dhawayn doono Hargeysa,isla markaana la filayo inuu iska difaaco eedaymo loogu soo jeediyay kulankii Madaxwayne Farmaajo.
Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan magaalada Brussels ayaa waxaa uu kula kulmay madaxweynaha dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo isla markaana dhaliilo xoogan loogu jeediyey